Wararka naga soo gaaraya duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay saakay howlgalo ka wadan halkaas.
Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa sheegay in ay wadaan howlgal lagu xaqiijinayo amniga wadada isku xirta Magaalada Jowhar iyo Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo dhowr jeer ay ka dhaceen weerar iyo qaraxyo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in deegaanka Gololey ee duleedka Balcad ku dileen ruux Miino ku aasayay halkaas,isla markaana Ciidanka ay arkeen,hayeeshee markii dambe ay toogteen.
Wararka ayaa intaasi waxaa ku darayan in Ninkas la dilay uu ku hubeysnaa Bastoolad.
Wadada u dhexeeysa Magaalada Jowhar iyo Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo miinooyin ah iyo weeraro toos ah,waxaana Mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab.