Ciidanka Milateriga ee maalmo kahor soo galay Magaalada Muqdisho kana kasoo horjeeda muddo kororsiga Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay carro-tuur cusub dhigtay waddooyin ku yaalla degmada Yaaqshiid iyo Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Ciidamada Milateriga oo dadka ay arkayeen iyaga oo wata gaadiidka nooca dagaalka ayaa sigaar ah Carro-tuurka ku xirtay Isgoyska Fagax, Jungal, Siisii iyo waddooyin Jidcadayaal ah oo dhexmara xaafaddo kale.
Lama oga sababta keentay in Ciidanka Milateriga ee ka gadoodsa muddo kordhinta loo sameeyay Madaxweyne Farmaajo Carro-tuur ugu xirtaan waddooyinkaas, xili labadii maalin ee lasoo dhaafay laga dareemayay Caasimadda dhaq-dhaqaaqyo Ciidan.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Milateriga oo kasoo baxay furimaha dagaalka ee deeganada Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dhawaan soo gaaray Muqdisho, waxaana Ciidankaas iyo kuwa dowladda Federaalka dhexmaray dagaal xoogan.
Xaaladda Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa haatan degan oo dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo iska soo horjeeda laga dareemayay, waxaana muddo kororsiga uu sameeyay Farmaajo diiday Madaxweyneyaasha Glmudug, Hirshabeelle iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.