Waxaa xalay Ciidamada ammaanka dowladda Kenya ay xireen Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka mid ah Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.
Dr. Bursaliid ayaa waxaa uu macalin uu ka yahay Jaamacadda University Nairobi,isagoona inta badan ka faalooda arrimaha siyaadda Geeska Afrika.
Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Bursaliid xalay saqdii dhexe lagala baxay Guriga uu Magaalada Nairobi ka degan,isla markaana weli lama halka Ciidanka ay ula dhaqaaqeen.
Sidoo kale Dr. Bursaliid ayaa waxaa uu la shaqeynayay safaarada Mareykanka ee dalkaas ku taalla.
Dowladda Kenya waxay horey u sheegtay inay xayiraad saartay 66,hayeeshee lama oga sababta loo xiray Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka mid ah Aqoonyahannada Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Eheladiisa ayaa sheegay iney socdaan dadaalo lagu raadinayo meeshu ku xiranyahay iyo sababta loo xiray Dr-ka.