Muqdisho – Falcelin aad u xooggan ayaa ka dhalatay hadallo muran badan dhaliyay oo kasoo yeeray xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee ka soo jeeda gobolka Bakool, kuwaas oo si dadban u muujiyay taageero iyo u janjeerin dhanka dowladda Itoobiya — xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Xildhibaanadan oo ka hadlay arrinta muranka badan dhalisay ee la xiriirta damaca Itoobiya ee ku aaddan badda Soomaaliyeed iyo faragelinta qaawan ee ay ku hayso midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa hadalladooda u dhigay si ay Itoobiya ugu muujiyaan taageero, taasoo ay shacabka Soomaaliyeed badankoodu u arkeen “dhabar-jabin qaran” iyo “taageero cadow”.
Hadalladaasi ayaa si weyn loogu falceliyay baraha bulshada, halkaas oo malaayiin Soomaali ah ay si adag uga dhiidhiyeen, kuna cambaareeyeen in xildhibaanno matalaya shacabka Soomaaliyeed ay si dadban ugu hadlaan af cadow, iyaga oo indhaha ka qarsanaya gardarrada joogtada ah ee Itoobiya kula kacayso dalka Soomaaliya.
Xildhibaanadan ayaa sidoo kale ka dhaliilay Dowladda Federaalka ah habka ay u maareyneyso qorshaha la xiriira bixitaanka ciidamada ATMIS iyo howlgalka cusub ee lagu beddeli doono. Iyaga oo arrintaasi u adeegsaday fursad ay ku dhaliilaan dowladda, waxay ku doodeen in Itoobiya “abaal ku leedahay Soomaaliya” — hadal ay aqoonyahannada iyo shacabka waddaniyiinta ah u arkeen mid halis ku ah madax-bannaanida iyo wadajirka qaranka.
Doodda ugu kulul ayaa soo baxday kaddib markii dad badan ay dalbadeen in xasaanadda laga qaado xildhibaanadaasi, si loo baaro hadalladooda iyo suurtagalnimada in ay ku xadgudbeen qodobbo ka mid ah dastuurka dalka iyo qiyamka wakiilnimo ee Golaha Shacabka.
Si kastaba ha ahaatee, inkastoo xildhibaanadu xaq u leeyihiin in ay su’aalo ka keenaan amniga deegaannadooda — gaar ahaan marka laga hadlayo cida beddeli doonta ciidamada Itoobiya marka ay baxaan — haddana si toos ah ugu hiilinta Itoobiya, oo si cad u hanatay badda Soomaaliyeed, ayaa loo arkaa meel ka dhac weyn oo qaranimo iyo daacadnimo u ah shacabka Soomaaliyeed.
Waa markii ugu horreysay muddo dhowr sano ah oo xildhibaanno Soomaaliyeed si dadban ugu hadlaan af Itoobiya xilli cadowtinimada Itoobiya ee Soomaaliya ay tahay mid ay taariikhdu caddeyneyso, oo aan loo baahnayn caddeyn dheeraad ah. Dalka Itoobiya ayaa dhowaan heshiis aan la aqbalin la saxiixatay maamulka Somaliland, taasoo lagu sheegay damac ay ku dooneyso inay ku hesho marin badeed, taasoo lagu tilmaamay xadgudub dhuleed iyo faragelin ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.