Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Fariin ku Aaddan Puntland u diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna Ergayga arrimaha Gurmadka Abaaraha ayaa farriin gaar ah u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taasi oo ku aaddan go’aannadii kasoo baxay shirkii Galaha wadashiga Qaran.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa Madaxweynaha faray inuu Puntland wada hadal la furo, lana xalaiyo khilaafka soo kale dhex-galay Dowladda dhexe iyo Madaxweynaha Maamulkaasi Siciid Cabdullaahi Deni.

“madaxweyne Ma xuma in reerka la raro, laakiin rarka sahan ayaa ka horreeya, haddiise sahan la’aan la guurayo su’aashu waxay tahay yaa geediga raraya, xageese lagu furayaa? Teeda kale maxaa dhacaya haddii ragga sheegay in ay reerka rarayaan ay noo furi wayaan? Oo bisha Juun ee 2024 doorashooyinkii Golayaasha deegaanka la qaban waayo?, isla-markaana December 2024 doorashooyinkii Baarlamaanka dawlad goboleedka iyo Madaxweynayaasha dhici waayaan?. Ma muddo kororsi kale ayey aadayaan? Mise maadaama ay fashilmeen xilka way banaynayaan” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo fariin u diray Madaxweynaha Xasan Sheekh.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor