Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay xirnaashaha qaar kamid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho oo saakay ay xireen Ciidanka Booliska dowladda Federaalka.
Qoraal uu soo saaray C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Farmaajo ku eedeeyay inuu waddooyinka ka xirtay 15 Xildhibaan oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ka joojiyay fadhiyada Baarlamaanka.
Waxaa uu sheegay Musharax Madaxweyne C/raxmaan in Madaxweyne Farmaajo uu horey u weeraray Musharaxiinta Madaxweynaha, isla markaana uusan rabin in doorasho ka dhacdo dalka lala gala.
“Farmaajo maanta wuxuu wadooyinka u xiray in uu 15 Xildhibaan Golaha Shacabka ka celiyo. Habeenkii iyo maalintii 19 Febraayo wuxuu weeraray ragii la tartami lahaa. Ragii ay talada kala dhaxaysana naftooda ayey ku aamini waayeen oo hubkooda ayey la soo degeen, Xalane way degeen. Xigtadiisa iyo saaxibadiina sidaa ayey halyeynimo u arkaan, waana ku taageersan yihiin. Ninkaas doorasho lala galo ma taalo ee waa in uu dalka xoog ku haystaa ama la iska kiciyaa” ayuu yiri CC Shakuur.
Hadalka C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyada oo Maanta Ciidamo farabadan la dhigay waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasi oo la siiyay Sawiradda iyo Magacyada 15-kii Xildhibaan ee kulamada laga joojiyay.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Manata la filayaa in kulan ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa, waxaana Xildhibaanada la ganaaxay ay sheegeen inay tegi doonaan kulanka Maanta ee Golaha Shacabka, ayna kasoo horjeedan muddo kordhin la sameeyo.