In ka badan 300 oo qof ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen Roobab daadad watay oo ka da’ay qeybo ka mid ah Bariga iyo Bartamaha dalkaasi, xilli ay daadku burburiyeeen Tuullooyin, Waddooyin iyo Dalagyo ku abuurnaa Beeraha.
Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay inay daadadku ka dhasheen Roobabka Mansuumka oo saameeyey in ka badan 6 million oo qof oo badankooda ku noolaa Goballadda Madhya Pradesh, Bihar, Uttar Pradesh, Rajasthan iyo Uttarakhand.
Dugsiyadda ku yaalla Gobalka Uttar Pradesh albaabadda ayaa loo laabay, iyadoo ay Webiyadda Ganges iyo Yamuna soo karaar jabsadeen.
©Radio Dalsan