Barta Bulshada ee Tiktok oo walaac weyn laga muujiyay iyo sababta oo la shaaciyay

Baraha Internet-ka ee casriga ee ay bulshadu ku xariirto ayaa saamayn badan ku yeelatay qaabka ay dadku u kala war-qaataan, arrintan ayaa ah mid walaac ku abuurtay waalidiinta iyo sharci-dejiyayaasha caalamka.

Sababta walaacan keentay ayaa ah qaabka fudud ee dhalinyaradu ay ugu xirmeen baraha xariirika bulshada.

Tiktok, ayaa ka mid ah baraha xiriirka bulshada ee sida weyn ay u xiiseeyaan da’yarta caalamka, waxaana wararku ay sheegayaan in barta TIKTOK oo laga leeyahay dalka Shiinaha ay soo dejisteen Malaayiin dhalinyaro a.

Sharcidejiyaayasha Maraykanka ayaa walaac badan ka muujiyay saamaynta ay ku yeelan karto nabadgaliyada iyo dimuqraadiyadda shacabka Maraykanka.

Barta TIKTOK ee xiriirka bulshada ayaa waxaa siweyn u isticmaala Malaayin qof oo u badan dhalinyaro, kuwaasi oo ku kala nool dunida dacaladeeda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media