Waraka ka imanaya magaalada Mandheera ee xadka dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegay in dad badan ay halkaas ka barakacayaan, kuwaas oo ka cabsi qaba xiisadda maalmahanba ka taagneyd deegaankaasi.
Dadkan aya la sheegay in u qaxayaan deegaannada kale ee hoos taga ismaamulka Mandheera oo ay kamid yihiin Carabiya, Raamu, Takaba, Khalaaliyo iyo dhanka kale ee dalka Itoobiya.
“Sidii aan u joognay ciidan duulaya ayaa ina soo galay, laba ciidan dhexdood ayaa galnay, halkanna waxa xuduud, caruurtii iskuullada aadayay khatar ayay ku jiraan, nafsadeenna khatar ayay ku jirtaa, waan qaxeynaa sababtoo haddii u madfac kugu soo dhaco halkee la aadi,” ayay tiri haweeney kamid ah dadkii maanta ka qaxay Mandheera.
Dowladda Kenya ayay sheegtay in aysan waxbadan ka qaban ilaalinta ammaanka magaalada, taasina ay keentay inay u barakacaan deegaannada kale ee Mandheera.
Sidoo kale, Rashiid Isaaq oo kamid ah dadka ka qaxaya magaalada ayaa sheegay in dagaalkii dhawaan ka dhacay xuduudka uu khatar badan ku keenay noolashooda, haatanna aysan dooneyn in arrintas oo kale ay la kulmaan.
“Magaalada amnigeeda wuu xumaaday, dad badan oo reer Kenya ayaa ku dhaawacmay dagaalkii dhawaan dhacay, in dagaal uu dhaco oo khasaaro uu inaga soo gaaro ayaan ka carareynaa, Raamu ayaan doonayaa in aan caruurta geysto, waxbadanna ayaa ka cabanay ciidmaada nala dul keenay, dowladdeenana waxba kama qabaneyso,” ayuu yiri Rashiid Isaaq.
Inta badan dadka ayaa ku qaxaya basas isaga kala goosha deegaannadaas, waxaana sidoo kale lagu soo warramayaa in uu sare u kacay qiimaha lagu raaco baabuurta.
Ciidamo katirsan Jubaland ayay dadka deegaanka sheegeen in ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah Mandheera ee dhanka xuduudka Kenya, inkastoo Jubaland ay arrintaas beenisay.
Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayid oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in isaga iyo ciidamada maamulkiisa ay ku sugan yihiin xadka u dhaxeeya labada dal.
Hase yeeshee mas’uuliyiinta deegaanka Mandheera ayaa sheegay in ciidamo taabacsan wasiirka amniga e Jubaland, Cadirashiid Janan ay ku sugan yihiin gudaha Mandheera, arrintaas oo ay sheegen inay khatar ku tahay amniga shacabka Mandheera.