Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda Banaanbax ballaaran oo lagu taageerayo Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed.
Boqolaal shacab ah oo isugu jira Haween, Caruur, Odayaal iyo dhalinyaro ayaa isugu soo baxay bartamaha Baydhabo, iyagoona banaanbaxooda ku taageeraya Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee Khamiistii lasoo dhaafay lagu dhawaaqay.
Sidoo kale Banaanbaxayaasha ayaa socod ku maraya waddooyinka waaweyn ee Baydhabo, iyagoona ku qeylinaya Erayo ay kusoo dhaweeynayan 95-ta Xildhibaan ee Koonfur Galbeed, waxaana banaanbaxa ka qeyb qaadanaya Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Baydhabo.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in saakay la xiray inta badan Goobaha Ganacsiga ee Magaaladaas, waxaana badi dadka ay yihiin kuwo ka qeyb qaadayana Banaanbaxa ka socda Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed.
Dhinaca kale waxaa xiran Goobaha Waxbarashada oo uu dhawaan amar ku bixiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre in la xiro muddo 15-maalmood, si looga hortego Cudurka halista ee Coronavirus.