Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa booqasho Tariikhi ah oo dhiiri galin ah ugu tagay Ciidamada Darawiishta Jubaland gaar ahaan guutada Birjeex ee fadhigoodu yahay deegaanka Buuloxaaji halkaas oo Maalinkii isniinta ahayd ee 22-Luulyo-2024 ay ka fuliyeen howlgal lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan AS.
Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Ciidamada guusha ay ka gaareen dagaalkaas isagoo xusay in guushaas ay tahay mid ay ku faanayaan dhammaan ummada Soomaaliyeed loona baahan yahay in la joogteeyo oo halkeeda laga sii wado.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in geesinimada iyo halyeeynimada ay muujiyeen guutada Birjeex ay tahay mid ka farxisay qof walba, waxaana Madaxweynahu ku booriyay Ciidamada in loo baahan yahay dadaal kii hore ka badan iyo naf hurnimo si loo xaqiijiyo hadafka guud ee ah sidii dalka oo dhan looga sifayn lahaa AS.
Madaxweynaha ayaa bilad geesinimo gudoonsiiyay Gaashanle Sare Cabdi Kaafi Dayib Axmed Taliyaha guutada Birjeex ee Ciidamada Darawiishta Jubaland Gaashanle Sare Bashiir guhaad Xasan abaanduulaha guutada Birjeex iyo Gaashanle dhexe Axmed Cabdi Shafeec.
Sidoo Kale Madaxweynaha ayaa mid hal darajo dalacsiiyay dhammaan Ciidamada guutada Birjeex ee Ciidamada Darawiishta Jubaland.