8 Askar oo Turkish ah ayaa la filayaa in maalinta Khamiista ee soo socoto la soo taago Maxkamadda Sare ee dalka Giriigga, kuwaasi oo ka mid ahaa Askartii ka qeyb gashay Afgambeigii Fashilmay ee Bartamihii sannadkii hore ka dhacay Turkiga.
Askartaasi waxay ka ahayeen Askartii ka dambeysay Afgembigii Fashilmay ee bishii July 15-dii ee sannadkii hore ka dhacay dalka Turkiga, waxayna Dowladda Giriigga ka codsadeen Magangelyo Qaxootinimo.
Wakaalladda Wararka ee The Athens News Agency ayaa sheegtay inay Maxkamadda Sare go’aamin doonin in Askartaasi dib loogu celiyo Turkiga iyo in kale, waxayna Askartaasi sheegeten haddii lagu celiyo dalkooda hooyo inay nooshooda khatar geli karto
Haddii ay Maxkamaddu xukunto inaan Askartaasi la masaafurin karin, waxay sugi doonaan in go’aan laga gaaro codsiyadooda Magangelyo, taasi oo qaadan karta bilooyin badan.
©Radio Dalsan