Askar ka tirsan Booliska Hindiya oo lagu dilay Is-qarxin ka dhacday dalkaas

Hadal ka soo baxay Hay’addaha Ammaanka Hindiya ayaa lagu sheegay in ugu yaraan  20 ka tirsan Booliska Kaydka dalkaasi lagu qarxiyey  Degmadda Pulwaama ee Gobalka Jaamu-Kashmiir ee ay Dowladaha Hindiya iyo Pakistan ku  murunsan yihiin.

Weerar Is-qarxin ayaa lala beegsaday Labo Bas oo ay Ciiddankaasi la socdeen oo qeyb ka ahaa 70 gaari oo ay Ciiddamo  la socdeen oo marayey Jidka isku xira magaallooyinka Siringaar iyo Jaamu.

Tirada dhimashadda ayaa laga yaabaa inay kororto, iyadoo laga dayrinayo xaalladda qaar ka mid ah 12-kii Askari ee ku dhaawacmay qaraxaasi

Dhinaca kale,  Dagaalamayaasha Jeysh Mxaamed Caadil Axmed Daar ee u dagaalaanta Madax-bannaanida Jaamu Kashmiir ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weerarkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media