Qore: Cabdirazak Cali Gesey – Wariye Khibrad Leh iyo Falanqeeye Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya
Socdaalkii uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ku tegay magaalada Laascaanood toddobaadkii hore wuxuu ahaa dhacdo si weyn u taabaneysa siyaasadda dalka.
Balse in laga hadlo uun sida safarku u dhacay ma aha mid ku filan – waxa uu ahaa safar dhaqan beddel ah, calaamad u ah isbeddelka taariikheed ee dhabta ah ee siyaasadda Soomaaliya, iyo calaamado muujinaya sida ay u kala fog yihiin hadalka iyo ficilka siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
Taariikhda Dib Loo Qoray
Ugu horreyn, in Ra’iisul Wasaaraha dalka uu cagaha saaro magaalada Laascaanood waa dhacdo ka baxsan caadiga. Waa markii ugu horreysay ee mas’uul heerkan ah uu si rasmi ah u booqdo deegaan muddo dheer laga hadlayay in uu ka maqan yahay gacanta dowladda dhexe.
Waxaa xusid mudan in socdaalkani uu xambaarsanaa farriin dhab ah: in SSC-Khaatumo aysan ahayn mid dibad-joog ka ah geedi-socodka siyaasadeed ee dalka, balse ay tahay qayb rasmi ah oo hadda la aqoonsaday, lana xiriirsan tahay dowladnimada Soomaaliya.
Aqoonsiga SSC-Khaatumo oo si rasmi ah ugu yimid booqashadii Ra’iisul Wasaaraha waa mid aan la dhayalsan karin.
Bulshada SSC ayaa muddo dheer u taagnaa dagaal ay ugu jireen in codkooda laga maqlo masraxa qaran, halka maamulka Somaliland uu si adag ugu doodayay in gobolkaasi uu qeyb ka yahay dhulkiisa. Haddaba, si nabad ah oo sharaf leh ayay SSC u marti-gelisay Ra’iisul Wasaaraha, taasoo xambaarsan hal farriin: “Laascaanood waa Soomaali.”
Aamusnaanta Siyaasiyiinta iyo Waji-Gabaxa Qaranimada
Haddana, marka indhaha laga qaado safarka, su’aasha ugu culus ee la is weydiinayo waa: Maxaa keenay in inta badan siyaasiyiinta iyo dowlad-goboleedyada dalka ay ka aamusaan aqoonsiga Khaatumo?
Aamusnaanta musharaxiinta madaxweyne iyo siyaasiinta xilka doonka ah waa mid si gaar ah u taabaneysa. Halka ay badankoodu hadallo qaranimo iyo midnimo ku bilaabaan, waxay muujiyeen in danahooda siyaasadeed ay ka horreeyaan mabda’a qaran. Ma jiraan hambalyo laga helay siyaasiyiinta sida Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, Farmaajo, ama Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Inkasta oo ay dhammaantood sheegtaan inay doonayaan in dalka la mideeyo, haddana waxay ka baaqsadeen taageeridda beel Soomaaliyeed oo codkeeda dhabta ah helay.
Marka la eego tirooyinka, SSC-Khaatumo waxay baarlamaanka ku leedahay 10 xubnood (8 xildhibaan iyo 2 senator), halka Somaliland ay hadda ku leedahay 57. Sidaa darteed, siyaasiga doonaya in uu ku guuleysto xil sare wuxuu u janjeeraa halkii codka laga badan yahay. Tani waxay si mug leh u muujineysaa in siyaasadda Soomaalida ay marar badan ka leexato cadaaladda iyo qaranimada, kuna saleysan tahay uun dan gaar ah oo doorasho.
Dowlad-Goboleedyada: Siyaasad Qowmiyadeed mise Qaranimo?
Dowlad-goboleedyadu iyaguna sida ay uga aamusayaan aqoonsiga SSC waxay ka tarjumaysaa sida uu u liito mabda’a midnimada qaran. HirShabelle iyo Galmudug waxay si cad u daneynayaan in gobolka Banaadir maqaam gaar ah helo – waxay u arkaan in taageeridda Khaatumo ay carqaladeyn karto yoolkooda siyaasadeed.
Puntland iyo Jubaland oo lagu tuhmayay inay si weyn u taageeri doonaan Khaatumo, iyaguna waxay doorteen aamusnaan. Dad badan ayaa aaminsan in Jubaland ay aamusay si aysan libta ugu saaxiibin Ra’iisul Wasaare Xamza, halka Puntland aysan wali si cad uga tanaasulin sheegashada dhulalka SSC. Aamuskaas siyaasadeed ma aha oo keliya feker qabiil, balse waa mid muujinaya tartan siyaasadeed oo ku saleysan saamiga kuraasta iyo codaynta doorashooyinka.
Mucjisooyinka Muuqda iyo Hoggaanada Dhiirrada Leh
In kasta oo siyaasiyiinta badankood ay ka gaabsadeen arrinta, haddana waxaa muuqda iftiin rajo leh. Saddex Ra’iisul Wasaare hore — Dr. Cabdiwali Gaas, Cumar C/rashiid iyo Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) — iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa si geesinimo leh u muujiyay taageeradooda. Ma ahan uun in ay hambalyo direen, balse waxay u istaageen mabda’a ah in la aqoonsado xaqa ay leeyihiin dadka reer SSC.
Gunaanad: Qaranimo la Wadaago Mise Mid Qaybsan?
Qadiyadda SSC-Khaatumo waa imtixaanka dhabta ah ee qaranimada Soomaaliya. Ma noqon doonto tii ugu dambeysay ee muujisa in siyaasiga Soomaaliyeed uu dan gaar ah ka horreysiiyo danta guud. Balse hadda waxaa la hayaa fursad dahabi ah oo lagu muujin karo in dalka la mideyn karo iyadoo la ixtiraamayo xaqa muwaadiniinta meel kasta oo ay joogaan.
Waa waajib saaran hoggaan kasta – ha noqdo madaxweyne, ra’iisul wasaare, guddoomiye gobol ama musharax – inuu si cad u taageero in la helo maamul goboleed ku saleysan rabitaanka shacabka, haddii uu rabo in uu leeyahay sumcad qaranimo. Haddii kale, midnimada afka ku egtahay, falkuna ka turjumayo kala-jajab qabiil iyo cod-doon.
Taariikhda ayaa qori doonta kuwa u istaagay mabda’a – iyo kuwa doortay aamusnaanta ay dani ku jirto.
Cabdirazak Cali Gesey waa wariye iyo falanqeeye siyaasadeed, wuxuu si dhow ula socdaa arrimaha gudaha ee Soomaaliya, gaar ahaan isbeddellada dhabta ah ee saameeya xasilloonida iyo qaranimada dalka.