Hadal ka soo baxay Taliska AMISOM waxay ku sheegeen inay shalay hawlgal ka fuliyeen deegaano badan oo ku yaalla Koonfurta magaalladda Muqdisho.
Taliska AMISOM waxay sheegeen inay Ciiddankooda shalay hawlgal ka fuliyeen Degmadda Afgooye, Laanta Buur, Xaawa Cabdi iyo Lafoole.
Dhinaca kale, Ciiddanka AMISOM waxaa la sheegay inay qaadeen Hawlgalkaasi, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab weerareen Fariisin ay Ciiddanka DFS ku leeyihiin Deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho.
Dagaalamayaasha Alshabaab waxay weerar ku qaadeen Ciiddanka ku sugan Kontoroolka Siinka Dheer ee jidka aada Degmadda Afgooye, waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaad khasaare geystay.