Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika u jooga Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Francisco Madeira ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir dhawaan ka dhacay magaalladdan Muqdisho.
Wuxuuna Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia ka codsaday inay ku soo biiriyaan ugu yaraan 9,000 Askari oo lagu xoojiyo Hawlgallada Nabad-ilaalinta, Deganaanshaha iyo La-dagaalanka Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa kale oo uu sheegay in Hawlgalka AMISOM soo wajahday Dhaqaale- xumo iyo Loojistiko, isla markaana lagu wado ilaa 10,000 Askari laga daad-gureeyo Somalia dabayaaqadda sannadkan 2017-ka.
Ambassador Francisco Madeira waxa kale oo uu sheegay inay xaalad adag soo wajahday Ciiddanka iyo shaqaalaha Rayidka ee AMISOM, isla markaana lagu cadaadinayo sidii ay u soo dhamaystiri lahaa Tababarka, Qalabaynta iyo daad-gureynta 20,000 oo Askari oo ka tirsan Ciiddanka Dowladda Somalia si ay ula wareegaan Ammaanka Somalia.
Dhinaac kale, Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika u jooga Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, waxa uu tilmaamay inay jiraan Dowlado xubno ka ah AMISOM oo ku gorgortama qeybta ay ka qaataan Ammaanka Somalia, isla markaana shuruudo aan la oggolaan karin ku xira dalalka maalgeliya Hawlgalka AMISOM.
Dowladda Burundi waxay sheegtay inay la baxayso Askarta ka joogta Somalia, oo tiradoodu dhan tahay 5,400 Askari.
Uganda ayaa sheegtay qorshe ay dabayaaqadda sannadkan kula baxayso Ciiddanka ka jooga Somalia oo dhan in ka badan 6.000 Askari.
Sidoo kale, Dowladda Ethiopia waxay tan iyo bishii October ee sannadkii hore la baxday 4,000 Askar oo aan hoos tegin Hawlgalka AMISOM.
©Radio Dalsan