Al Shabab oo Seddex Qof Ku Dishay Duleedka Magaaladda Kismaayo

Ugu yaraan Seddex qof ayaa ku dhimatay Weerar Dagaalamayaal ka tirsan Al Shabab ay ku qaadeen Gaari Ay la socdeen Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

Weerarka oo gaadmo ahaa ayaa ka dhacay Tuuladda Fumo oo u dhaw Magaaladda Kismaayo Ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamadda la weeraray ayaa la socday Gawaari siday Qaad oo loo badinayo iney ku wajahnayeen Kismaayo.

Xarakadda Al Shabab ayaa sheegatay Masuuliyadda Weerarka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor