Al-Shabaab ayaa fagaaro ku yaalla degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool waxa ay Maanta Gacmaha uga jareen Labo Nin oo ka mid ahaa dadka ku nool degmada Tiyeegloow.
Boqolaal ruux oo kamid ah dadka ku nol degmada Tiyeegloow ayaa ku sugnaa Goobta ay Al-Shabaab Gacmaha uga jareen labada nin,waxana inta ay howshaasi socotay la hakiyay isusocodka dadka iyo Goobaha Ganacsiga iyadoo dadka lagu amray in ay daawadaan qabka ay u dhaceyso Gacan goynta.
Labada Nin Maanta Gacmaha laga jaray ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray  Aadan Muxamed Nuur oo 42 Sano jir ah  iyo Isxaaq Aadan Xasan oo 23 jir ah ,iyagoo ku eedeeyay in ay ahaayeen kuwo tuuga ah islamarkaana dukaan ku yaala degmada Tiyeegloow ay ka qateen lacag dhan 12 Milyan oo Shilinka Somaaliga ah.
Qaadiga Maxkamada Al-Shabaab ee degmada tiyeegloow ayaa ku dhawaaqay Xukunka.
Al-Shabaab ayaa dhowr mar sidan oo kale deegaanada ay ka mmulaan Gobolada dalka Somaaliya waxa ay ku fuliyeen Xukuno isugu jira dil, Karbaash iyo sidoo kale Gacan-goyn.