Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar xoogan oo waaberigii hore ee saakay lagu qaaday Saldhig Ciidanka Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku leeyihiin gudaha degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay.
Weerarka ayaa la sheegay inuu ku bilowday qaraxyo, kadibna uu xigay dagaal toos oo dhexmaray Ciidanka Koonfur Galbeed ee ku sugnaa Saldhiga iyo Al-shabaabkii weerarka ku qaaday halkaas.
Jugta qaraxyada ayaa laga maqlay xaafaddo ka tirsan degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in weerarka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Al-shabaab oo ka hadashay weerarka ka dhacay Qansax-dheere ayaa sheegay in saakay ay weerar qorsheysan ku qaadeen Saldhiga ay dagmadaas ku leeyihiin Ciidanka Koonfur Galbeed, isla markaana ay ku dileen Sarkaal ay ku sheegeen inuu Caan ka ahaa halkaas.
Sidoo kale Shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku dishay Sarkaal lagu magacaabi jiray Cali Mad Yeeroow, halka Saddex Sarkaal kalena oo ka tirsan Ciidamada Maamulka ay dhaawacyo soo gaareen, uuna kamid yahay Xasan Eyloow.
Saraakiisha Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli wax war ah kasoo saarin weerarka Al-shabaab saakay ku qaadeen Saldhiga Ciidamo ka tirsan Maamulkaas ku leeyihiin degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay.