Guddiga soo xulista xildhibaanada labaad ee baarlamaanka mamaulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa goordhow ku dhawaaqay liiska xildhibaanada cusub ee baarlamaanka maamulka oo ka kooban 95-xildhibaan.
Guddiga oo iskugu yeeray Warbaahinta ayaa mid mid u akhriyay magacyada xildhibanaada cusub ee baarlamaanka labaad ee maamulka Koonfurgalbeed ee ay ku dhawaaqeen iyaga oo sheegay in ay soo gabagabeeyeen shaqadii soo xulista xildhibanaada.
Muddooyinkii dambe guddiga soo xulista ayaa ku howlanaa shaqooyinka loo igmaday dhinaca kalana madaxweynaha Koonfurgalbeed C/casii Laftagareen ayaa kulamo joogta ah la yeelanayay odayaasha dhaqanka.
Halkaan Ka Akhriso Liiska Xildhibaanada cusub ee KGS