Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa soo saarey warqad ay ku caddahay in uu dib shaqadiisa usii wadan karo wasiirka wasaaradda xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa DG Jubbaland.
Markey taarikhdu aheyd 22 -08-2020 ayuu Madaxweynuhu shaqada ka joojiyay Wasiirka Wasaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa kadib markii lagu soo eedeeyay wax Is daba marin iyo lunsasho xoolo dad wayne.
“Kadib baatitaan la sameeyay ayuu xafiiska Madaxweynuhu ogaaday in aysan wax ka jirin eedeeymahaasi isagoo dib shaqadii ugu fasaxey wasiirka” ayaa lagu yiri Wareegtada kasoo baxday Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.
Wasiirka Wasaradda Xannaanada Xoolaha ayaa loo ogolaaday in uu gudan karo waajibaadkiisii shaqo ee wasaaradda uu hogaamiyo dibna usii wadan karo shaqadiisi una sii adeego bulshadiisa.
Hoos ka Akbhrsio Qoraalka uu soo saaray Maxamuud Sayid Aadan.