War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda maamulka Soomaaliland ayaa waxaa looga hadlay Guddigii Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland ee uu shalay Magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdullaali Farmaajo.
Warka ka soo baxay Soomaaliland ayaa waxaa Eedeymo kala duwan loogu jeeday dowladda Federaalka Soomaaliya,isla markaana waxaa Magacaabistaas uga hadleen laba qodob oo kala ah.
- In xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Somaliland.
Waxa wanaagsan in qofka masuulka ah carrabkiisa iyo camalkiisu is waafaqaan, tan iyo intii Madaxweyne Farmaajo talada dalka Soomaaliya qabtay, waxa uu Somaliland kusoo qaaday weerar siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed iyagoo meel kasta oo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha Somaliland-ba ku ah duulimaad.
Somaliland tabashadeeda iyo dhibtii soo gaaray waxay kaga garnaqsan kartaa oo keliya fagaare Caalamiya oo Bulshada caalamku ay goob-joog ka tahay balse,Dowladda Federaalka xalin tabasho nagama dhaxayso, ee garnaqsi laba dhinac ayaa noo dhexeeya. Caqliga saliimka ahina dhigimaayo in ku waydiiyo tabasho, balse wuxuu ku farayaa in layska celiyo waa sida hadalka loo dhigay.
- Qodobkiisa labaadna wuxu u dhignaa xaqiijinta mabaa’diida Federal-ka.
Somaliland ma quseeyo hawlaha Federal-ku, dib u xasuuso taariikhda 1960-kii waxaynu ahayn labada dinac oo kala madax bannaan caalamkuna aqoonsan yahay, islamarkaana ku midoobay baadi-goobka shantii Soomaaliyeed, balse 1991-kii midowgaasi wuu burburay, illaa 1991-kiina waxa aynnu nahay labada dhinac oo kala madax-bannaan, waxana tihiin Federal-ka Soomaaliya, annaguna waxannu nahay Somaliland, idinka ayuu Federal-ku gaar idiin yahay.
Sidaa daraadeed, magacaabidda guddidaas waxa ka muuqda gef siyaasi ah, Somaliland-na wixii gudaheeda ah iyadaa dhammaysata, waxaya dowldda Soomaaliya u jawaabtaa iyada oo midaysan, muwaaddinka Somaliland-na.
Haddaba, Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay qabsoomi karaan keliya marka ay Soomaaliya garwaaqsato in midnimadii 1991-kii, illaa maantana aynu nahay labo dhinac oo kala oo madax-bannaan muddo 28-sanno ah jaarnimo kaliya wadaaga.