• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, July 14, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Akhriso:-Sababta loo kala diray Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka

Dalsan Editor by Dalsan Editor
November 28, 2018
in Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 2 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Guddoonka golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa kala diray guddiyo dhowr ah oo ay kamid yihiin guddiga miisaaniyada iyo maalliyadda. War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska guddoonka golaha shacabka ayaa lagu sheegay inay caddaatay xadgudbyo la sheegay in lagu sameeyay xeer hoosaadka barlamaanka, khilaaf na soo kala dhex-galay guddoonka iyo xubnaha guddigaasi.

Warqdan oo uu ku saxiixnaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka, Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey ayaa waxaa uu ku xusan in uu go’aankan uu kala tashaday guddoomiyaha golaha shacabka iyo ku xigeenka labaad.

Guddoonka ayaa sidoo kale sheegay in la qaban doono doorasho, lagu na soo dooran doona guddoon cusub.

Hadalka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka ayaa waxaa meesha ka saaray xoghayaha guddiga maaliyadda ee la sheegay in la kala diray, Xildhibaan Cabdillaahi Maxamad Nuur.

Xildhibaan Cabdullaahi oo la hadlay BBC-da ayaa waxaa uu sheegay in xitaa haddii guddoonka golaha ay isku raacaan ay tahay mid aan waafaqsaneyn dastuurka.

”Waan arkay warqadda ka soo baxday xafiiska guddoonka golaha shacabka, waxaana kuu xaqiijinaya inay tahay sharci darro, sababta aan sidaa u leeyahay waxay tahay way caddahay, wayna qorantahay siyaabaha uu guddi ku sameysmi karo iyo siyaabaha uu xubin kamid ah guddiga ay xubinnimadeeda ku waayi karto ama guddoonka uu guddiga ku waayi karo in uu guddon kasii ahaado, waana arrin sharci darro ah”. Waxaa sidaasi BBC u sheegay xildhibaan Cabdullaahi.

Kala dirida guddiga maaliyadda ayaa timid, kadib markii guddiga warbixin uu soo saaray uu ku sheegay in lacag malaayiin doolar ah ay lunsatay dowladda federaalka, hasayeshee arrintaasi ayaa waxaa ku gacan seeray xildhibanaada barlamaanka iyo wasiirka maaliyadda oo sheegay in warbixintaasi aysan waxba ka jirin.

BBC SOMALI

Previous Post

Dhageyso:- Warka Habeenimo Ee Radio Dalsan

Next Post

Mareykanka oo faah faahiyay duqeyn lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

July 13, 2025
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan
Warar

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

July 12, 2025
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya
Warar

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya

July 12, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

July 12, 2025
Next Post

Mareykanka oo faah faahiyay duqeyn lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug ayaa xalay fuliyay howlgal ballaaran oo lagu xoojinayo amniga magaalada. Howlgalkan ayaa waxaa...

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qaybgalay kulan lagu dhiirigelinayay doorka muhiimka ah ee haweenka Puntland ay ka...

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa caddeeyay in dalkiisu si buuxda oo aan shuruud lahayn u taageerayo mowqifka Ruushka...

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

by Ilhaan
July 12, 2025
0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Najiib, ayaa sheegay in shirweynaha la filayo inuu ka qabsoomo...

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: "Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac"

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan
Warar

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya
Warar

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
  • Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
  • Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
  • Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00