Akhriso Magaca:-Taliye cusub oo loo Magacaabay Ciidanka Taraafikada

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye gaas Bashiir Cabdi Maxamed “Ameeriko” ayaa Maanta waxa uu Taliye cusub u magacaabay Ciidanka Ilaaladda Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Muddooyinkii dambe aan laheyn wax Taliye ah.

Generaal Maxamed Xuseen Madaale ayaa loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha Ciidanka Ilaaladda Wadooyinka ee Taraafikadda ee Magaalada Muqdisho.

Generaal Madaale ayaa waxa uu kamid ah yahay Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,isagoona horey u soo qabtay xilal kala duwan oo uu kamid ah ahaa Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media