Guddiga isku dhafka ee qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha ayaa Galabta soo saaray Habraaca Amniga doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka oo 15-ka bishaan May ka dhaceysa Teendhada Afisyooni ee Muqdisho.
Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada ayaa lagu soo bandhigay dhowr Qodob oo ah Habraaca doorashada Madaxweynaha, waxaan ku jira in Musharax walbo ee Madaxweyne loo ogol yahay inuu hoolka la soo galo saddex xubnood oo kaliya.
Musharaxiinta ayaa lagu wargeliyay inay Ciidamada hubeysan ee la socda kusoo reebayaan Albaabka Madina Gate, halkaas Musharaxa loogu diyaariyay gaari VIP ah iyo inta la socoto, isla markaana gaariga Musharaxa lagu geynayo Teendhada Afiysooni.
Ciidanka ATMIS ayaa lagu wareejiyay dhammaan Albaabada kala duwan ee laga galo Xarunta Teendhada Afisyooni, waxaana la shaqeynaya Ciidanka Booliska dowladda Federaalka, halka gudaha ay ka shaqeyn doonaan 22 Askari oo Boolis ah.
Guddiga qaban-qaabada ayaa caddeeyay in howlka Teendhada Afisyooni uusan soo geli doonin qof aan lasoo baarin, dhammaan Musharaxiinta, Xildhibaanada labada Aqal, marti sharafta iyo warbaahinta ayaa baaritaano lagu sameynayaa sida ku Cad habraaca.
Hoos ka Akhriso Habraaca Amniga doorashada Madaxweynaha.