War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxa Xukuumadda dowlad Goboleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxaa lagu shaaciyay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka baxday heshiiskii ay la gashay maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljameeca.
Warka ka soo baxay Sheekh Shaakir ayaa waxaa lagu sheegay inuu burburay dhammaan heshiiskii u dhexeeyay dowladda iyo Ahlusunna,waxaana sababta ay ku sheegeen inay tahay,kadib markii dowladda Ciidamo  ku soo daad gureysay Magaalooyinka Galmudug.
Sidoo kale Ahlusunna ayaa shacabka reer Galmudug ugu baaqday inay isku diyaariyaan difaaca naftooda,dadkooda,dalkooda iyo diintooda,isla markaana ay ilaaliyaan nabadgalyadooda.
Hoos ka Akhriso Warka baxay Xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug.