Taliska Maraykanka ee qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM  ayaa war kasoo saaray duqeyn ka dhacday Gobolka Jubbada dhexe oo ay maraykanku halkaas ka fuliyeeen.
Duqaynta ayaa ka dhacday  degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe, waxaana  ay ahayd duqayn xagga cirka ah oo ay fuliyay diyaaradaha maraykanka 29-ka Bishaan.
Ciidamadda Maraykanka oo kaashanaya kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay fuliyeen duqayntaas, qoraal ay soo saareen AFRICOM ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay dileen xubin sare oo ka tirsan Al-shabaab halka mid kalena ay ku dhaawaceen duqaynta.
Taliska Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee AFRICOM waxaa ay sheegeen in duqayntaas aysan dad shacab ah wax ku noqon, balse war kasoo baxay  Alshabaab ayaa lagu sheegay in dad shacab ah ay ku waxyeeloobeen duqayntaas oo ay carruur ku jiraan.
Duqaymaha ay Maraykanku Soomaliya ka fulinayaan ayaa inta badan waxaa ka dhasha khasaare kala duwan, waxaana marakanku ay sheegaan in ay beegsadaan saldhigyada iyo goobaha ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Alshabaab.