Wakaalladda Wararka AMAQ ee jaalka dhow la ah Kooxda Daacish ayaa sheegtay in mid ka mid ah Hoggaamiyayaasha ugu caansan Kooxdaasi lagu dilay duqeyn shalay ka dhacday Degmadda Albaab ee dalka Syria.
Hoggaamiyahaasi oo la oran jirey Abu Maxamed Alcadnaani ayaa ahaa Afhayeenka Guud ee Daacish iyo U-qeybsanihii hagayey weeraradii iyo toogashadii ka dhacday dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Belgium iyo France.
Wakaalladda AMAQ waxay sheegtay in Hoggaamiyahaasi la dilay xilli uu gurmad u samaynayey Hawlagl ay Daacish Isaga caabinayeen dagaalka ay Ciiddanka Syria ka wadaan magaalladda Aleppo.
Sarkaal u hadlay Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegay inay duqeyn la beegsadeen gaari uu la socday Abu Maxamed al-cadnaani oo ku safrayey Degmadda Albaab ee dalka Syria.
Dhinaca kale. Hoggamiyahaasi la dilay waxa uu sannadkii 1977-kii ku dhashay Degmadda Taxa Subxi Falaax ee Gobalka Idlib ee dalka Syria.
©Radio Dalsan