Muuqaal Video oo uu baahiyey Telefishinka Mekmeleen oo Xaruntiisa Dhexe ku taallo dalka Turkiga ayaa waxa lagu soo bandhigay Askar ka tirsan Milliteriga Dowladda Masar oo tooganaya dad indhaha laga xiray.
Telefishinka Mekameleen ee Mucaaradka waxa kale oo uu soo bandhigay Saraakjiisha oo mid ka mid ah dadka la dilay weydiinayo inuu ka soo jeedo Qoyska Abu Sanana, balse sheegay inuu ka so ojeedo Qoyska Awabadah.
Mid ka mid ah Saraakiisha ayaa la arkayey oo madaxa ka tooganaya ninkii ay indhaha ka xireen.
Muuqaalka uu TV-ga baahiyey ayaa u muuqda Hawlgal ay Ciiddanka Dowladda Masar baraha bulshadda soo dhigeen bishii December 6-dii ee sannadkii hore.
Bishii hore, Human Rights Watch waxay ku eedeysay Ciiddanak Masar inay ugu yaraan 4 nin dileen bishi iJanaayo ee sannadkan, hawlgalka ay Ciiddanka Dowladda kula jiraan Maleeshiyadda taabacsasn Kooxda Daacish ee ka dagaalanta qeybo ka mid ah Masar.
©Radio Dalsan