Kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo fallaagada Ansar Allah ee Yemen, oo loo yaqaan Xuutiyiinta, ayaa sameystay iskaashi khatar gelinaya amniga marin-biyoodka Badda Cas iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Iskaashigan cusub wuxuu salka ku hayaa danaha is-dhaxgalka ah ee labada kooxood: Al-Shabaab waxay haysataa dhaqaale balse u baahan hub, halka Xuutiyiinta ay haystaan hub balse u baahan maalgelin si ay u maamulaan dhulka ay ka taliyaan ee Yemen.
Inkasta oo ay ku kala duwan yihiin diinta – Al-Shabaab waa Sunni xiriir la leh Al-Qaacida, halka Xuutiyiinta ay yihiin Shiico ay taageerto Iran – haddana iskaashigooda wuxuu jabinayaa xayiraadaha hubka ee Qaramada Midoobay saartay Yemen.
Iran ayaa si qarsoodi ah ugu gudbisa Xuutiyiinta hub casri ah, kuwaas oo la tuhunsan yahay in qaar ka mid ah la gaarsiiyo Soomaaliya.
Warbixin ay bishii Febraayo 2025 baahisay Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in kulammo u dhexeeyay xubno ka kala socda labada koox ay ka dhaceen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan bilihii Luulyo iyo Sebteembar 2024.
Intii lagu guda jiray kulamadan, Xuutiyiintu waxay oggolaadeen inay siiyaan Al-Shabaab hub iyo taageero farsamo. Beddelkeedana, waxay codsadeen in la kordhiyo weerarada burcad-badeednimada iyo afduubyada maraakiibta ee Gacanka Cadmeed.
Zeinab Mostafa Ruwayha oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Yemen iyo Khaliijka ayaa sheegtay in injineerro Xuutiyiin ah ay booqdeen Al-Shabaab si ay u siiyaan tababar iyo gacan farsamo oo la xiriira hub casri ah, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo qaraxyada farsamaysan.
Al-Shabaab waxay u arkaan iskaashigan mid fursad u siinaya inay dib ugu xoogaystaan xeebaha iyo meelo kale oo ay ku waayeen dagaallo ay kula jireen dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah.
Dhanka kale, Xuutiyiintu waxay iskaashiga u arkaan fursad ay ku ballaariyaan saamayntooda istiraatiijiyadeed ee Badda Cas, iyagoo adeegsanaya xiriirka ay la leeyihiin Iran.
Weeraradii ay ku qaadeen maraakiibta maraysa marin-biyoodka Bab el-Mandeb tan iyo dhammaadkii 2023 ayaa sababay in maraakiibta isticmaasha Badda Cas ay hoos u dhacaan ku dhowaad 50% sannad gudihii, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Lloyd’s List.
Al-Shabaab, oo sanad walba kasbata dhaqaale kor u dhaafaya $100 milyan, ayaa ka faa’iidaysanaysa iskaashigan iyadoo rajaynaysa in tiknoolajiyada Xuutiyiinta ay gacan ka geysan doonto yareynta guulaha milatari ee dowladda Soomaaliya gaaray labadii sano ee la soo dhaafay.
Si kastaba ha ahaatee, kooxdu waxay ku jirtaa xaalad nugul oo gudaha ah, kaddib markii laga saaray saldhigyo istiraatiiji ah sida kuwa gobolka Galmudug iyo dhulkii ay ka haysteen Puntland.
Iskaashiga u dhexeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta wuxuu muujinayaa isbeddel halis ah oo ka dhacay khariidadda amniga ee gobolka, isagoo abuuraya khataroyin cusub oo u baahan in si degdeg ah loogu wajaho dadaal caalami ah.