Garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa mar kale xirmay, kadib markii saacadaha lasoo dhaafay halkaas ay ka da’een roobab mahiigaan oo xoogan.
Wariyaha Warbaahinta Dalsan ee Baladweyne ayaa soo sheegaya in Gebi ahaan uu xirmay Garoonka diyaaradaha, isla markaana gudaha Garoonka ay buux dhaafiyeen biyihii ka hooray roobka ayna jirin wax duulimaad ah.
Warar la helayo ayaa sheegaya in Baladweyne ay ku xiran yihiin dad kala duwan oo qaarkood xanuunsan, kuwaasi oo doonayay inay soo aadan Magaalada Muqdisho, hayeeshee lagu wargeliyay in duulimaad uusan jirin, kadib markii uu xirmay Garoonka.
Madaxa Garoonka Ugaas Khaliif oo warbaahinta la hadlay ayaa Carabka ku dhuftay inay rajeynayaan in 48-saac gudahood uu ku furmo Garoonkan Ugaas Khaliif, ayna dib u bilowdaan duulimaadyadii Garoonka oo hakad ku jira.
Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan iyo deegaano kale oo hoostega Magaaladaas ay ka da’een roobab xoogan oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada, sidoo kalena biyo farabadan yaallan waddooyinka.
Inta badan xiliyada ay roobabka ka da’aan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa saameyn ku yeesha isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee isaga kala goosha deegaano ka tirsan Gobolkaas, isla markaana waxaa xirma Garoonka diyaaradaha Magalada Baladweyne.