Siihayaha Xilka Ra’iisul wasaaraha dalka Mahdi Maxmed Guuleed ayaa ka hadlay qaraxii lagu weeraray Maqaayadda Blue Sky.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ahna siihayaha xilka Ra’iisul wasaaraha ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxaas, waxaana uu caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadka ku dhaawacmay qaraxaas ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday maqaayadda.
“Allaha u naxariisto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayay qaraxii galabta Al-shabaab ka geysteen Muqdisho. Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadka geeriyooday. Inta dhaawaca ah Allaha Caafiyo. Hagardaamada Al-shabaab ma hakin doonto dadaalka loogu jiro nabad kusoo dabaalidda Dalka†ayuu yiri Mahadi Maxmed Guuleed.
Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay Qaraxa lala beegsaday Maqaayadda Blue Sky oo markaasi si aad ah u mashquul badnayd, Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay seddex qof oo uu ku jiro wiil yar oo caseeye ah kaasi oo sida la sheegay ilaa hadda aan la aqoonsan, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 7 ruux.