Ciidamada dowladda Somalia ayaa xalay howlgal ka sameeyay degmada Balcad ee gobalka Sh/dhexe waxaana la sheegay in howlgalkaas lagu qabtay dhalinyaro fara badan oo laga qabtay xaafado kala duwan oo ka mid ah degmada Balacad ee gobalka Sh/dhexe.
Howlgalkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii Alshabaab ay weerar ku qabsadeen degmda dhowr Habeen ka hor,waxaana ka dhaqan galay magaalada Bandaw lagu soo rogo wixii ka dambeeya 8:00-fiidnimo,iyada oo howlgalada xalay dadkii lagu qabtay la geeyay saldhiga Booliska halkaas oo su’aalo dhinaca amniga ah lagu weydiinayo.
Degmada Balcad ayaa waxa ka dhacay weeraro ay ku soo qaadeen Alshabaab,waxaana dhowr jeer ay kula dagaalameen ciidamada dowladda Soomaaliya,inkasta oo weerarkii ugu dambeeyay ay ku qabsadeen Shabaabku goor dambana ay iskaga baxeen.