Wareegto uu Maanta soo saarey Madaxweyne Farmaajo,isla markaana lagu Magacaabey xilal kala duwan ayaa waxaa taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya loo Magacaabey Daahir Aadan Cilmi(Indha Qarsho).
Taliye Indha-Qarsho ayaa xilligii dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh mar soo noqday taliyaha ciidanka xoogga dalka,waxaana haatan uu bedelay Cabduweli Jaamac Gorod oo ahaa taliyaha Ciidanka xogga dalka.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Magacaabey Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka,iyada oo xilkaas loo magacaabey G/Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo horey u ahaa taliyaha ciidanka.ilaalada Madaxtooyada.