Dowladda Turkiga oo ku baaqday in la soo maxkamadeeyo kooxihiI shalay dhaawacay Muwaadin Turkish ah.

Hadal qoraal oo ka soo baxay Wsaaradda Arrimaha Dibewdda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah Muwaadiniintooda ku dhaawacmay weerar shalay galab lagula eedgtay magaalladda Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay Dowladda Turkiga si xooggan u cambaareynayaan weerarkaasi oo uu ku geeriyooday Muwaadin Soomaali ah.

“Waan cambaaraynaynaa weerarkaasi, waxaana rajeynaynaa kuwii ka dambeeyey in la soo qaban doono, lana hor keeni doono Sharciga” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga.

Dhinaca kale, Dowladda Turkiga wxaay sheegtay inay sii wadayaan inay Ummadda Soomaaliyeed taageero ka siiyaan soo-celinta Nabadda iyo Danaha Somalia.

Bishii Janaayo 22-dii ewe sanadkii hore, Alshabaab waxay sheegteen mas’uuliyadda qarax gaari oo ka dhacay afaafka hore ee Hotelka SYL ee magaalladda Muqdisho, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Wafdi Turkish oo hordhac u ahaa Booqashadii uu Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ku yimid Muqdisho.

Afhayeenka Alshabaab, Sheekh Cali Dheere waxa uu xilligaasi sheegay inuu Turkigu yahay bartilmaameedkooda, wuxuuna ku tilmaamay inay yihiin cadowga koowaad ee Muslimiinta, iyadoo uu Turkiga yahay Waddanka keliya ee Islaamka ee ka tirsan Isbahaysiga Milliteri ee NATO.

©Radio Dalsan     

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor