Dagaalamayaasha Daalibaan ayaa la sheegay inay weerar loo adegsaday gaari miineysan maanta ku qaadeen Dhismo ay Sirdoonka dalkaasi ku leeyihiin caasimadda Gobalka Qasni ee Bartamaha dalkaasi.
Weerarkaasi ayaa la sheegay in lagu dilay 12 qof, halka in ka badan 95 kalena lagu dhawaacay, sida ay sheegeen Saraakiisha Dowladda iyo Kooxda Daalibaan.
Xasan Raza Yuusufi oo xubin ka ha Gobalka Gobalkaasi ayaa sheegay in weerar Is-qarxin ah lala beegsaday Dhismaha Sirdoonka ee ku yaalla caasimadda Gobalkaasi ee Qasni.
Sarkaal u hadlay Dowladda Afganistan ayaa sheegay in qaraxaasi lagu dilay, laguna dhaawacay xubno ka tirsan Hay’adda Sirdoonka Qaranka dalkaasi ee NDS.
Afhayeenka Ururka Daalibaan, Zabihullaahi Mujaahid waxa uu sheegay inay ka dambeeyeen weerarkaasi, kuna dileen Tobaneeyo ka tirsan Saraakiisha Sirdoonka dalkaasi, wuxuuna weerarkaasi dhacay, xilli ay Ergooyin ka kala socda Dowladda Afganistan iyo Kooxda Daalibaan Shirweyne uga socdo caasimadda dalka Qatar ee Doha, si loo soo af-jaro dagaalka 18-sanno jirsaday ee weli ka socda Afganistan.