Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da May, waxaa dunida laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Shaqaalaha, taasoo loo dabaaldego sannad walba si loo aqoonsado loona dhiirrigeliyo doorka shaqaalaha iyo kaalintooda wax ku oolka ah ee bulshada iyo horumarka dalka.
Maalintan ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah loo asteeyay sanadkii 1889-kii, waxaana laga xusaa inta badan dalalka caalamka, iyadoo badankood ay u tahay maalin fasax qaran ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada dalka ayaa ku dhawaaqay in maanta ay tahay maalin fasax ah oo loo asteeyay shaqaalaha rayidka ah, iyaga oo ugu hambalyeeyay munaasabadda maalinta shaqaalaha adduunka.
Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa wajahaya caqabado adag oo ay kamid yihiin mushaharka oo aad u hooseeya, saacadaha shaqada oo dheeraada, iyo shaqo-bixiyeyaasha badankood oo aan u hoggaansanayn sharciyada shaqada, gaar ahaan kuwa la xiriira xuquuqda iyo badqabka shaqaalaha.
Maalintani waxay fursad u tahay in dib loo eego xaaladda shaqaalaha iyo in la xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo xaquuqda iyo nolosha shaqaalaha Soomaaliyeed.