• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, July 16, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

​Bankiga Premier oo dalka Soomaaliya keenay adeegyada kaararka ee VISA markii ugu horeysay taariikhda Soomaaliya

Dalsan Editor by Dalsan Editor
March 26, 2016
in Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Muqdishu, Somalia: 26 March 2016. Bankiga Premier Somalia ayaa markii ugu horreysay  taariikhda keenay dalka Soomaaliya adeeegga kaararka ee VISA, taas oo la jaan-qaadaysa siyaasadda bankiga ee ku salaysan in la xoojiyo isticmaalka hababka lacag-bixinta ee casriga ah ee ay kaararku ka midka yihiin. Qeybta hore ee heshiskan dhex maray VISA iyo Premier Bank ayaa u suurta gelineysa macaamiisha wadata Card-ka Visa in ay ku isticmaali karaan ATM-yada Bankiga Premier ee yaalla guud ahaan dalka.

“Waxaan aad ugu faraxsannahay in Premier Bank uu noqdo macmiilkii ugu horreeyay ee adeeggeenna ka hirgeliya Soomaaliya. Waxaana sii wadi doonnaa in aan hormuud u ahaanno gacan-ka-geysashada dhisidda hay’ado maaliyadeed oo la isku halleyn karo isla markaana fursad siinaya qof kasta oo Soomaali ah. Waxaan rajeynayaa in wadashaqaayntan Premier ay dardar-geliso hababka Electroniga ah ee lacag is weydaarsiga Soomaaliya.” Sidaas waxaa yiri Maamulaha Guud ee Visa ee Koofurta iyo Bariga Afrika,Jabu Basopo.

Wixii ka danbeeya heshiiskan, ATM-yada Premier bank ayaa siinaya macaamiisha wadata kaararka VISA adeegyada ay ka midka yihiin: lacag la bixidda iyo ogaanshaha haraaga xisaabaadkooda guud ahaan dalka Soomaaliya.

Mahat Maxamed Axmed, maamulaha Bankiga Premier ayaa isaguna yiri: “  Heshiiskan aynu la galnay VISA waxa uu sii dardar gelinayaa badashada isticmaalka hababka lacag-bixinta elecetroniga ah ee Soomaaliya iyo in Soomaali badani ay ku soo biiraan isticmaalka hababka banki ee caalamka laga adegsado”.

Bankiga Premier waxa uu sii wadi doonaa dadaalkiisa uu dadka Soomaaliyeed ugu keenayo  hannaan maaliyadeed oo casri ah iyada oo bankigu horay u ahaa bankigii ugu horeeyay ee abid ka hirgeliya Soomaaliya adeegga kaararka ee MasterCard.

Premier Bank Limited waa banki Islaami ah oo warqadda ruqsadda shaqao ka heysta Bankig Dhexe ee Soomaaliya. ((License No. CBL2016-006) si uu u bixiyo adeegyo bangi iyo kuwo maaliyadeed.

Bankigu wuxuu hadda bixiyaa adeeg maaliyeed oo ay ka faa’iideystaan dadweynaha, ganacsiyada –yaryar iyo waaweyn- ee gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha kala duwan.

Bankigu waxaa uu hadda ku howl-galaa 4 laamood oo ku yaala magaalada Muqdishu,taana waxaa barbar socda qorshaha uu bankigu laamo cusub uga furayo magaaladda Muqdishu iyo magaalooyin kale ee dalka.

Adeegga Kaararka ayaa u sahlaya macaamiisha in ay lacagta ku jirta xisaabtooda isticmaalaan meel kasta oo ay adduunka ka joogaan.

Maamulka Premier Bank sida uu horayba u ballan qaaaday, waxa uu dhawaan soo kordhin doonaa adeegyo kale oo dadka Soomaaliyeed ku diirsan doonaan.

Wixii faahfaahin intaa dheer, fadlan booqo oo  ka aqriso:  www.premierbank.so

Previous Post

Puntland prepares to host 2nd high level IGAD meeting

Next Post

Shisheeye ku dhaawacmay dab qabsaday Hotel ku yaalla Hargeysa.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Next Post

Shisheeye ku dhaawacmay dab qabsaday Hotel ku yaalla Hargeysa.

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa ku dhawaaqday inay xireen 82 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan...

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

by Liban
July 16, 2025
0

Addis Ababa – Ethiopia’s national intelligence agency has announced the arrest of 82 individuals suspected of being members of the Islamic State...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay rabshadihii dhawaan ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo...

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

by Liban
July 16, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia has officially called on Puntland authorities to immediately halt hostilities in the Dhahar district of the...

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
English News

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm
English News

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting
English News

Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
  • Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
  • Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00