Zelenskyy oo mar kale dalbaday kaalmo millateri oo deg deg ah

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo ka hadlay kulan ay Isniintii dalka Latvia ku yeesheen hoggaamiyeyaasha kooxda ciidamada isku dhafka ah ee loo soo gaabiyo (JEF) ayaa si degdeg ah u dalbaday kaalmo militari iyo mid difaac oo dheeri ah.

Ciidamada Isku-dhafka ah ee ay hoggaamiso boqortooyada UK, waxaa dalalka xubnaha ka ah ka mid ah Denmark, Finland, Estonia, Iceland, Latvia, Lithuania, Netherlands, Sweden iyo Norway; siddeed ka mid ah kooxda ayaa sidoo kale xubno ka ah Isbahaysiga NATO, iyadoo Finland iyo Sweden aysan wali ka mid noqon isbahaysigaasi militari.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor