Yurub oo isu diyaarinaysa hal Arrin oo ku aadan Cudurka Coronavirus

Shirkadda AstraZeneca oo sameeysa dawooyinka lagana leeyahay dalka Ingiriiska ayaa shaacisay in ay heshiis la saxiixatay dalalka Jarmalka, Talyaaniga, Faransiiska iyo Netherlands si ay u siiso tallaalka ka hortaga fayraska karona dhamaadka sanadkaan 2020-ka

Heshiiska qandaraaska waxaa ku jira soo saarista qiyaastii 400 milyan oo tallaal oo ay soo saarayso Jaamacadda Oxford, sida ay sheegtay shirkaddu.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in ay waddo qorshe ah soo saarista tallaal badan oo lagu caawinyo hay’adaha gargaarka si loogu adeegsado la dagaalanka cudurka mudada uu socdo.

Wasiirka Caafimaadka Talyaaniga, Roberto Speranza, ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook, ku sheegay in marxaladda tijaabinta tallaalka ay durba bilaabatay, isla markaana ay gaartay heerar wanaagsan lana filayo inuu dhammaado dhawaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Shirkaddu waxaa ay saxiixday qandaraasyo wax soo saar heer caalami ah, si ay u gaarto yoolkeeda ah soo saarista laba bilyan oo tallaal .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media