Yuhuudda oo ku gorgortamaysa maydadka dad Falastiiniyiin ah oo ay hayaan.

Golaha Amniga ee Yuhuudda ayaa shalay go’aamiyey arrintaasi, si cadaadis loogu saaro Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS inay soo dhiibaan haraagga maydadka Askarta Yuhuudda ee la dilay iyo dadka Yuhuudda ee la la’ yahay.

Dhaqdhaqaaqa XAMAAS waxay gacanta ku hayaan 2 Askari oo Yuhuud ah oo ay Milliteriga Yuhuudda horey u sheegeen inay ku geeriyoodeen dagaalkii Yuhuudda iyo XAMAAS ku dhex maray Qasa sannadkii 2014-kii.

Dhaqdhaqaaqa XAMAAS waxay kaloo sheegeen inay 2 qof oo rayid Yuhuudi ah hayaan, kuwaasi oo lagu qabtay Deegaanadda Marinka Qasa ee ay XAMAAS maamulaan.

Dhinaca kale, Golaha Amniga Yuhuudda waxay sheegn in maydadka Dagaalamayaasha XAMAAS la aasi doono, halkii loogu celin lahaa Qoysaskooda.

Waxayna xuseen inay diyaar u yihiin in Wada-xaajood Is-dhaafsiga Maxaabiista iyo Maydadka la galaan XAMAAS, kaasi oo la mid ah Heshiis sannadkii hore oo ay Yuhuudda ku wareejiyeen XAMAAS maydadka 102-dagaalyahan iyo rayid Falastiiniyiin ahaa.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor