HomeWararYuhuudda oo duqeymo khasaare badan dhaliyay ka fulisay Gudaha dalka Suuriya

Yuhuudda oo duqeymo khasaare badan dhaliyay ka fulisay Gudaha dalka Suuriya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Wakaaladda wararka Suuriya ayaa sheegtay in ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen, in ka badan toban kalena ay ku dhaawacmeen, kadib duqeymo xoogan oo ay Israa’iil ka geysatay bartamaha Suuriya. Weerarradan oo si ba’an u garaacay dhowr goobood oo muhiim ah, ayaa dhacay xilli dambe oo habeen ah, iyagoo sababay burbur xoog leh. Warbixinta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wakaaladda wararka Suuriya ayaa sheegtay in ugu yaraan shan qof ay ku dhinteen, in ka badan toban kalena ay ku dhaawacmeen, kadib duqeymo xoogan oo ay Israa’iil ka geysatay bartamaha Suuriya. Weerarradan oo si ba’an u garaacay dhowr goobood oo muhiim ah, ayaa dhacay xilli dambe oo habeen ah, iyagoo sababay burbur xoog leh.

Warbixinta ayaa xustay in shan xarumood la beegsaday, kuwaas oo ay ku jirto xarun cilmi baaris oo lagu sheegay inay ku howlaneyd horumarinta gantaallada saxda ah. Xaruntan oo ku taal magaalada Masyaf ayaa la sheegay iney tahay mid muhiimad gaar ah u leh barnaamijka hubka ee Suuriya.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Israa’iil wali kama aysan bixin wax war ah oo ku saabsan duqeymahan, iyada oo ay caado u tahay in aysan si toos ah u qiran weerarrada noocan oo kale ah ee ay ku beegsaneyso Suuriya.

Si kastaba, Hay’adda Kormeerka Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya oo fadhigeedu yahay UK, ayaa sheegtay in weerarradu ay ku yimaadeen dhowr mowjad, kuwaas oo lala beegsaday xarumo ciidan oo muhiim ah, oo ay ka shaqeynayeen khubaro la xiriirta horumarinta hubka oo taageero ka helaya Iran. Goobahaasi waxay ka mid yihiin kuwa ugu muhiimsan ee Suuriya ku leedahay magaalada Masyaf, taasoo ah bartilmaameed muhiim ah oo marar badan ay Israa’iil weerarro ka fulisay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts