Wasiirka Gaashaandhigga ee Yuhuudda, Avigdor Lieberman waxa uu bartiisa Twitter-ka ku qoray inuu qorshaynayo in 2,500 guryo cusub ah laga dhiso Daanta Galbeed, kuwaasi oo dad Yuhuudi ah la dejin doono.
Waxa uu sheegay inay taageero ka geysan doonaan dhismayaashaasi oo laga hirgelinayo Deegaanadda Samariya iyo Judea ee Waqooyiga iyo Koonfurta ee Daanta Galbeed ee Falastiin.
Dhinaca kale, Saraakiisha Maamulka Falastiin weli kama hadlin qorshaha Dhismayaasha dadka Yuhuudda looga dhisayo qeybo ka mid ah Deegaanadda La-haysto ee Daanta Galbeed ee Reer Falastiin.
Ku-dhawaad 500,000 oo dad Yuhuudi ah ayaa si khasab ah loo dejiyey Daanta Galbeed iyo Bariga magaalladda La-haysto ee Quddus, halkaasi oo hoy u ah in ka badan 2.5 million oo Falastiiniyiin ah.
Si kastaba ha ahaatee, Dib-u-dejinta dadka Yuhuudda ee dhulalka Falastiin waxa uu ka mid yahay qoddobadda caqabadda ku ah sidii dib loogu bilaabi lahaa Dadaalka Nabadda ee Falastiin iyo Yuhuudda, kaasi oo cakirmay tan iyo sannadkii sannadkii 2014-kii.