Yoshihide Suga oo qarka u saaran inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha Japan

Markii Shinzo Abe uu 28 Agoosto sanadkan ku dhawaaqay inuu xilka bannaynayo caafimaadkiisa oo aan wanaagsanayn awadeed, ayaa waxaa si wayn loo filayay in Mr Suga uu horkici doono tartanka loogu jiro xilkaas uu ka degayo Abe.

Markii uu rasmiyan ugu dhawaaqay musharraxnimadiisa 2-dii Sibteembar, dhinacyada xisbiga ayaa waxa ay markiiba taageero u muujiyeen Xoghayaha Golaha Wasiirrada Japan ee ugu mudada dheeraa.

Iyadoo taageeradaas uu haysto, ayuu Mr Suga waxa uu taariikh sameeyay 14-kii Sibteembar markii uu noqday hogaamiyihii ugu horreeyay ee Xisbiga LDP kaas oo aanan ka tirsanayn qaybaha xisbiga ama qoysaska siyaasadda lagu yaqaanay, taas oo dhabbaha u xaaraysa u caleema-saarkiisa rasmiga ah ee xilka ra’iisul wasaaraha.

Isagoo badeli doona Mr Abe, hogaamiyihii ugu mudada dheeraa ee Japan, ayuu Yoshihide Suga waxa uu sii wadi doonaa siyaasaddii deganaanta ee ninka uu badelayo.

Markii uu ku dhawaaqay inuu doonayo inuu hogaamiyo xisbiga LDP, ayuu sheegay inuu sii wadi doono siyaasaddii dhaqaalaha ee Mr Abe ee ku dhisan dabcinta lacagta, dhiirigelinta dhaqaalaha iyo isbadel nidaamsan oo la sameeyo.

Sidoo kale waxa uu danaynayaa inuu dib u eego dastuurkii dalkaas Japan loo sameeyay wixii ka dambeeyay dhammaadkii dagaalka si uu sharci uga dhigo Ciidammada Is-difaaca dalkaas, arrintaas oo muhiim u aheyd ajandihii Mr Abe.

Xiligan la jog, sikastaba xaalku ha ahaadee, muhiimaddiisa ayaa ah sidii uu wax uga qaban lahaa cudurka safmarka ah ee Covid-19 iyo dhaqaalaha sii hallaabaya.

Mr Suga ayaa qorshaynaya inuu sii kordhiyo baaritaanka iyo inuu soo saaro tallaal ku filan dalka wixii loo gaaro 2021. Sidoo kale waxa uu doonayaa inuu soo kobciyo dhaqaalaha gobolka isagoo sare u qaadaya mushaarka, dhiirigelinayana isbadel lagu sameeyo beeraha iyo in la kobciyo dalxiiska.

Markii la fiiriyo dhinaca siyaasadda arrimaha dibadda, waxa uu xoogga saari doonaa xulafaysiga mudada dheer soo socday ee ka dhaxeeya Japan iyo Mareykanka iyo inuu sii wado “hannaanka Indo-Pacific oo ah mid furan oo xor ah”, halka sidoo kale uu ku hammiyayo inuu xiriir deggan oo wanaagsan uu la yeesho waddanka Shiinaha.

Mr Suga ayaa sidoo kale waxa uu danaynayaa inuu sii wado dedaallada xalka loogaga gaarayo afduubkii muwaadiniinta Japan ay Kuuriyada Waqooyi u gaysatay sanadihii 1970-meeyadii iyo 1980-yadii, taas oo ay ka mid tahay inuu doonayo inuu baadigoobo sidii uu ula shiri lahaa Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyadoo uusan wax shuruud ah ku xirayn.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media