Yahuudda oo xoojisay weerarada dhulka iyo cirka ee ka dhanka Qasa

Milatariga Israa’iil ayaa xoojiyay weerarada ay ka wadaan Qasa iyadoo dagaalamayaasha Falastiiniyiintana ay iyagana sii wadaan inay gantaallo ku tuuraan dhinaca Israa’iil xilli colaadu ay gashay maalintii shanaad.

 

Ciidammada Israa’iil ayaa sheegay in xoogagga cirka iyo kuwa dhulka ay qeyb ka ahaayeen weerarada dhacay maanta oo Jimce ah, balse waxay sheegeen in ciidammadooda aysan gelin Qasa.

Wariyeyaasha  ku sugan Qasa ayaa sheegaya in magaallada ay ku socdaan duqeymo xooggan oo loo adeegsanaya noocyada kala duwan ee diyaaradaha dagaalka.

Ilaa iyo hadda 100 qof ayaa lagu dilay Qasa, 7 qofna dhinaca Israa’iil tan iyo markii ay billowdeen dagaallada Isniintii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor