Yahuudda oo weerar cirka ah ku dishay xubin sare oo ka tirsanaa xoogagga iska caabinta Falastiin

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeyn cirka ah ay ku dileen hoggaamiyaha kooxda ka dagaalanta waqooyiga Qaza ee Hussam Abu Harbeed.

Militariga ayaa sheegay in Abu Harbeed uu mas’uul ka ahaa dhowr gantaal oo kuwa lidka taangiyada ah oo lagu gannay Israa’iil, kuwaasi oo uu ka mid ahaa gantaal dhaawac fudud gaarsiiyay qof shacab ah.

Wuxuu sidoo kale hoggaaminayay madaafiicda la hago ee lagu tuurayay Israa’iil ee khasaarihii u dambeeyay sababay.

Kooxdan Islamic Jihad ayaanan durbadiiba xaqiijinin geerida hogaamiyaha kooxdan balse wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeyso ilo wareedyo kooxda ka tirsan, ayaa baahisay geerida Abu Harbeed.

Warbaahinta Qaza ayaa sheegtay in hoggaamiyahan maanta lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday gurigiisa Beit Lahiya

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor