Yaa ku guuleysan doona Madaxtinimadda Dowlad-gobaleedka Galmudug ?

Marathoonka Ololaha Musharixiinta ayaa waxa uu galay saacadihii ugu dambeeyey, iyadoo lagu wado in bishan 4-da la doorto Madaxweynaha cusub ee Dowlad-gobaleedka cusub ee Galmudug State.

Taageerayaasha Musharax kasta waxay caleemo qoyan iyo damaashaad la garab taagan yihiin Musharaxooda, si uu ugu guuleysto Doorashadaasi oo ka dhici doonta Xarunta Shirarka ee magaalladda Cadaado.

Loolanka Madaxtinimadda oo ay u taagan yihiin 9 Musharax oo ay ku jirto Haweeney ayaa waxa uu leeyahay xamaasad gaar ah, maadaama ay tahay markii ugu horreysay Taariikhda oo ay dadka Reer Galmudug iskooda u doortaan Maamul iyaga u gaar ah.

Guddiga Doorashadda ayaa waxay maanta dhegeysteen Ajendayaasha Siyaasadda ee Musharaxiinta iyo Ku-xigeennadooda, wuxuuna Musharax kasta ku faanay inuu yahay Madaxweynaha Goballadda Dhexe ka dhigi doona goob Barwaaqaysan oo ay u dhan yihiin dhamaan Adeegyadda Maamulka iyo Bulshadda.

Waa hubaal inuu Musharax kasta ku mashquulay inuu Guddiga Doorashadda ku asqeysiiyo Barnaamij Siyaasadeed noqon kara mid taageero-doon ah iyo inuu isugu muujiyo inuu yahay Hoggaamiyaha ugu khibradda wanaagsan.

Musharixiinta ayaa waxaa Taariikh –hawleedkooda laga dheehan karaa inay yihiin kuwo kala heer ah, kuna kala geddisan Khibradaha ay leeyihiin.

Musharax Milliterinimo ku soo gaamuray, Musharax ku soo kacaamay Kooxaha Siyaasdda ee magacyadda kala duwan huwan iyo kuwo ku cusub Masraxa Siyaasadda ayey lagu sifeyn karaa inta badan Musharixiinta hanka ugu jiro in mar uun ay Madaxweyne noqdaan.

Loolanka Musharixiinta ayaa u muuqda in lagu kala bixi doono ilaa Wareegga Labaad, maadaama uu Sharciga Dorashadda muujinayo inuu Musharixii helaa saddex duleel oo labo (2/3) codbixinta inuu noqonayo Madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Musharax Ambassador Axmed Macallim Fiqi ayaa la hadal-hayaa inuu ku horreeyo Qiimaynta ugu dambeysay ee ay Aqoonyahanadda ku sugan Cadaado soo tebinayaan, wuxuuna Musharxu kalsooni ka haystaa qeybaha Ururadda Bulshadda ee Goballadda Dhexe.

Caaqil miisaan ku leh Dhaqanka Goballadda Dhexe ayaa ishaaray inuu Musharax Fiqi u muuqdo inuu yahay  Madaxweynaha cusub ee Galmudug, wuxuuna ku sifeeyey Hoggaamiye Furfuran oo isku soo jiidi karaa Walaalaha siyaasadda ku kala irdhoobay, isla markaana uu jawi horumar leh ka abuuri karo Goballadda Dhexe.

Saadaal kasta oo laga bixiyo Musharixiinta waxaa hubaal ah inay Codbixiyayaasha ku kala aragti duwan yihiin Musharaxa ay u codeyn doonaan, si  uu ugu guuleysto  Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Galmudug

 

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor