Yaa ka dambeeyay dilkii Mareykanka loogu geystay Qoraa Salmaan Rushdi?

Booliska gobolka New York ee dalka Mareykanka ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Haadi Matar oo ah 24 jir lagu eedeeyay inuu toori la dhacay qoraa Salmaan Rushdi.

Booliska oo shir jaraa’iid qabtay ayaa sheegay in Haadi uu sii diyaarsaday kaar uu ku galay goobta, falkiisana uu u muuqday mid uu soo maleegay.

Lama sheegin sababta loo weerarray Salmaan, hase yeeshee waxaa kiiska ku soo biirtay hay’adda FBI.

Salmaan oo qoorta iyo qeybo kale oo jirkiisa ah uu dhaawac ka soo gaaray ayaa xaaladdiisa lagula tacaalayaa cisbitaal ku yaalla gobolkaas, waxaana lagu sameeyay qalliin.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in la tuhunsanaha oo ku hubaysan toori uu Salmaan ugu tegay masrax uu khudbad ka jeedinayay, kadibna marar badan la dhacay mindida.

Salmaan Rushdi ayaa marti u ahaa mac-hadka Chautauqua oo ah xarun waxbarasho oo ku taalla gobolka New York.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor