Xuutiyiinta oo Duqeeyay Xero ku taalla Sacuudiga

Telefishinka Al-masiirah ee ku hadla Codka Maleeshiyadda Xuutiyiinta Yeman ayaa sheegay inay Gantaal Balaastik ah saakayto ku duqeeyeen Xeradda Milliteriga Sacuudiga ku leeyihiin meel ku dhow Deegaanka Sukam ee Gobalka Najraan ee Koonfurta dalkaasi.

Telefishinka waxa uu tilmaamay inay Gantaalka Badar F ku duqeeyeen Xeraddaasi, kuna dileen Tobaneeyo Ciiddan Sacuudiyaan iyo kuwo kale.

Dowladda Sacuudiga weli kama aysan hadlin sheegashadaasi, mana jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya arrintaasi.

Maleeshiyadad Xuutiyiinta waxay waayadan dambe Weeraro Gantaalo iyo Daroonis ah ka geysanayeen gudaha dalalka Yemen iyo Sacuudiga, iyadoo Khamiistii la soo dhaafay ay Xuutiyiinta duqeyn la beegsadeen Xero Milliteri oo ku taalla magaalladda Cadan, halkaasi oo ugu yaraan 40 Askari lagu dilay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media