Xulka Kubada Cagta 17 jirada Soomaaliya oo guulka gaaray dhigooda Kenya

Xulka Qaranka Kubadda Cagta ee Da’yarta 17 jirada ayaa galabta waxa ay guul muhiim ah ka gaareen dhigooda Kenya kadib kulan ay Galabta la yeesheen kaas oo ahaa kulankoodii ugu dambeeyey ee heerka is-araga Group-yada.

Ciyaarta Galabta oo aheyd mid aad u xiiso badan ayaa qeybtii hore ee Ciyaarta ay Da’yarta 17 jirada Soomaaliya soo bandhigeen Ciyaar aad loogu riyaaqay.

Qeybtii labaad ee Ciyaarta ayaa labada dhinac waxa soo maray fursado qaali ah,waan Ciyaartii ay ku soo dhamaatay 1-0 oo ay guusha ku raacday Xulka 17 jirada dalkeena Soomaaliya.

Xulka Soomaaliya ayaa haatan u soo gudbtay Afar Dhamaadka,iyada oo Group A ay ka soo wada baxeyn Soomaaliya iyo Kenya,waxaana Group-ka isaga haray Xulka Burundi oo tartanka martigelinaya iyo Xulka Itoobiya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media